Sheeko-SHABEEL GUREY.
Sheekadan waxay ku saabsan tahay odayaal degaanada Puntland ka
socday oo habeenkii u xaluusha Col. Cabdullaahi Yuusuf maalintiina
iska dhiga kuwo diidan fidnadiisa iyo Cabdullaahi siduu u arko odeyaashaas,
isagu wuxuu u haystaa inuu xoog ku haysto iyana inay soo dhoweeyeen.
Isagu waa Shabeel gurey, raguna waa dabagaalahaas. Bal aynu dhuuxno
murtidaas iyo wuxuu aaminsan yahay Shabeel gurey.
Beri baa waxaa jirey shabeel gurey la oran jirey. Wabar magac dheer
oo gartiisa lagu kalsoon yahay, buuna ahaa. Maalin baa isagoo careysan,
dabaggaale gar ugu yimid; sheekadoodiina sidan ayey u dhacday:
Dabaggaale: "Wabarow quulle ayaan duugtay."
Shabeel: " Waa rag iyo wax keydsigiis."
Dabaggaale: "Nin baa iga xaday quullihii."
Shabeel: "Taasi waa rag iyo xoolo jacaylkii"
Dabaggaale: "Ninkii baan dharbaaxay."
Shabeel: "Wixii nin la xaday sameyn lahaa baad sameysay."
Dabaggaale: "Wuu iga xoog badnaa, inta I dilay, buu
miro kalena iga dhacay."
Shabeel: "Taasi waa guuldarro nin kastoo tabar yari
muto"
Markay meeshaas mareyso, ayaa dabaggaalihii yiri inta iska dhaqaaqay,
hadday gartii wabaradu sidaas tahay ninkii xoog leh uun bay u meel
mari, ee nin walbow doono hubkaagii wabarku wax kale ma gartee.
Biyo Kulule-Bosaso
|