ETHIOPIA OO DASTUUR U SAMAYNAYSA SOOMAALIYA
Tan iyo intii uu burburay qarankii Soomaaliyeed, ayaa dib u dhiskiisu
waxa ay noqotay mid ay cid waliba faraha la gasho taas oo aan oran
karno lugtaaneey ninba maalin ku qaad, waayo faragelinta iyo qaska
ugu weyn ee guul looga gaari waayey waxaa wadda dawladda Xabashida
Dawladda Xabashida uu dalka iyo dadka Soomaaliyeed u qabta colaad
soo jireen ah, waxay maskax iyo maal fara badan ku bixisay sidii
Soomaaliya ay u noqon lahayd goofaf ay iyadu ka taliso iyadoo adeegsanaysa
koox damiir laawayaal ah oo gatay sharaftii, diintii iyo qiimihii
dadkooda iyo dalkooda (Alla idin Dufee) .
Soomalida ugub kuma ahayn faragelinta Ethiopia ay ku hayso dalkood
iyo xasuuqa ciidamada Ethiopia ay maalin walba ku sameeyaan shacabka
Soomaaliyeed. Waxase maanta ugub ah in Ethiopia intay ururiso dad
ay soo
Bogga
laga wareenyow
Fulaygu wuu beydada hayaaye, Markuu bidhaan cadow arkuu balow
yiraahdaaye, Inaan mowdka laga baajinayn, ba'ye yow sheega!
|
magacawdeen shaqsiyaad iyada u adeega ay tiraahdo waxa aan samanayaa
Dastuurkii lagu dhaqi lahaa Soomaaliya.
Akhristayaal waxa aan idinla socodsiinayaa in 23 xubnood oo Soomaali
sheeganaya aya dawladda Ethiopia ay muddo ku haysey Hotel Ghion,
Addisaba, si ay uga qariso indhaha caalamkana ay hadda u wareejisey
magaalada Laaseret oo u dhow magaalada Addis. Shaqsiyaadkaas ayaa
waxa Puntland ka masala laba xubnood oo uu magacaabay Cabdullahi
Yusuuf, kuwaas oo kala ah:
1- Eng. Xasan Daahir Af-qurac oo ahaa Guddoomiye ku xigeenka
2aad ee Baarlamaanka Cabdullahi Yusuf iyo
2- Embasotor Maxamud Cumar As-hari oo Cabdullahi Yusuf u
metela Golaha loo yaqaan SRRC.
Waxa isweydiin mudan dad cadawgooda u weyni uu u sameeyo dastuurkii
ay ku dhami lahayeen?, Meles Zenawise ma waxa uu moodey in Soomaaliya
ay tahay Kilinka 6aad ee Ethiopia.
Wargeyska Biyokulule waxa uu dhammaan shacabka Soomaaliyeed ka
codsanayaa in ay soo bandhigaan magacyada shaqsiyaadka meeshaas
ka masela sida aan u soo bandhignay kuwa Puntland ku masale ee kor
ku qoran, kuwaas oo dhammaantood lagu dari doono Liiska Dambiilayaasha
Qaran.
|