Ina-Xaabsadow mari maysid
Waxaa yimid Puntland Maxamed Cabdi Xaashi, oo ahaa Madaxweyne ku-xigeenkii
hore ee Puntland, wuxuuna ka soo dagay magaalada Bosaaso isagoo
ka yimid dalka Mareykanka sidaan horey idiinku sheegnay. Markii
ay timid dayaaradii uu la socday oo uu ka soo raacay Dubay, ayaa
waxaa soo dhoweeyey xubno fara badan oo ka tirsan golaha wakiilada
iyo saaxiibadiisii ku soo dhiirigaliyey inuu yimaado oo kala ahaa
Gen. Cabdi Cali Shire, Careys, Saciid Caduur. Kooxdani aad ayey
u faraxsanaayeen waxayna aaminsanyihiin inay guuleysteen. Nasiib
daro waxaa noqotay inaysan tegin gegidii dayaaradaha Col. Cabdullaahi
Yuusf iyo Ina-Xaabsadeba .
Taasi waxay cadeysay siyaasad xumada Ina-Yeey iyo ninkuu la rabay
inuu noqdo Madaxweyne ku-xigeenkiisa, maadaama uu kala soo qeyb
qaatay jabkii iyo jidgooyadii la soo daristay 9kii bilood ee uu
dibad mayrka ahaa. Ina-Xaabsade waxaa la soo marsiin waayey beesh
Dhulbaahante oo cadeysay haddii la magacaabo inay gidigood dhaqaajinayaan.
Hase yeeshee beeshu waxaysan ogeyn balankii lala soo galay tigreega
oo ahaa in la magaaco Ina-Xaabsade maadaama ay beeshiisu ay degaan
Ethiopia, halkaasna si fudud looga hogaamin karo maadaama ay yaqaanaan
dhaqanka Tigreega.
Maadaama uu Ina-Xaabsade degan yahay rugtii madaxtooyada ee loogu
talagaly Madaxwene ku xigeenkii hore, Maxamed Cabdi Xaashi waxaa
la dejiyey Hotel Kamaal. Maadaama, Maxamed Cabdi xaashi ay wataan
rag miisaan culus, suuragal noqon mayso in la shirqoolo si loo dilo.
Dhibaatada kale ee jirtaa waxay tahay Jacfar oo siduu Ina-Yeey ka
soo balanqaaday xertii timaha weyneyd in uu ka dhigi doono Madaxweyne
ku xigeen haddii ishaaradoodu suura gasho, ayaa iyana ah caqabad
kale. Ina-Xaabsade ayaa ku hanjabay inuu aadayo Somaliland, durbadiiba
wuxuu iloobay dambiguu ka soo galay gobolkaas oo wuxuu moodaa in
uu dambi ka soo galay Cigaal oo kaliya. Intaas waxaa sii dheer Seefta
banaanka iyo Ka sii gaab oo maxbuus ku ah Garowe oo ka baxday farihii
ina-Yeey. Bal hada qaboo ciidamadii laga balan qaaday inay jano
galayaan ayaa iyaguna la carara maalin walba qoryaha oo iibiya dabadeedna
u baxsada degaankay ka yimaadeen markay waayeen male awaalkoodii.
Markay huwantaasu u dacwiyaan ina-Yeey ayuu u qaadaa gabaygii ahaa
"Guguulihiiyow hadaad gu'ga u ooyeyso, hadaad moodey kelidaa
inuu gubayo jiilaalku", ayey inta yaabaan candhuuftooda dib
u liqaan oo yiraahdaan "Meereysanoo quman baan ka qaylineynee
ma hadaan galay qaama qowseyn".
Wararkii todobaadkii tegay
Aabi-weyraxii labaad ee ina-Yeey
Col. Cabdullaahi Yuusuf ayaa diyaariyey ciidan gaaraya ilaa iyo
1000 askari, oo sida warar lagu kalsoon yahay ay sheegayaan ay ujeedadoodu
tahay inay qabsadaan Magaalada Garowe. Weli lama hubo in ciidankaasi
uu mari doono duleedka magaalada Qardho iyo in aysan ujeedadiisu
ahayn Garoowee ay tahay inuu qabsado magaalada Qardho. Warar xogogaal
ah ayaa iyaguna cadeynaya in sarkaaladii Tigreega ahaa ee dhowaan
ugu yimid magaalada bosaaso ay kula taliyeen inuu Garoowe qabsado
maadaama uu xuduudka Ethiopia ka dhow yahay jiida nugaal ama meesha
loo yaqaan birta oo u muuqata Garowe, si loo soo gaarsiiyo wixii
hub iyo taageero ah ee Coleneylku u baahdo.
Weli waxaan la hubin cidii uu kaga tegi lahaa magaalada bosaaso
oo joogaan ciidan aad u fara badan, hub culusna uu yaalo. Dadka
ka faalooda dagaal gelinta ciidamada ayaa iyaguna sheegaya in ay
ujeedadiisu tahay haddii uu Garowe qabto uu fursa u helayo in ciidamadiisu
labada dhinac kaga imanayaan magaalada Qardho, oo ay fududaan doonto
gacan ku dhigeedu. Sida ay sheegayaan ciidamada dowlada Puntland
ee aagaga Qayaadsame, Dhuudo, Isku-shuban, Garowe iyo Laascaanood,
ayaa aad ugu diirsaday xogtaas ka soo baxday huwanta ina-Yeey bilaabayna
jala buteyn. Siday nagu soo gaareen xogo hoose oo aan ka helay ciidamadaas
ayaa iyaguna qorsheynaya hadii huwantaas uu Col. Cabdullaahi yuusuf
hogaaminayo ay u soo ambabaxaan dhinacooda ama ay isku dayaan inay
maraan jiida amaba Qardho oo ay adag tahay labadaba inuusan gaareyn
Garowe. Isla markaana waxay waraku cadeynayaan in qeyb ka mid ah
ciidamadaas loo qorsheeyey inay u soo daba maraan magaalada Bosaaso
oo ay gacanta ku dhigaan. Loogow looba jooge!.
Madaxweyne ku-xigeenkii hore Maxamed Cabdi Xaashi
oo khamiistii Bosaaso yimid.
Maalinimadii khamiista ayaa waxaa gegida dayaaradaha ka soo degay
Madaweynihii hore ee Puntland, shacabka reer Puntland-na ma jecleysan
imaatinkiisa oo waxay bidayeen inuu yahay nin aqoon leh oo fahmi
kara micnaha Axdigii dhignaa ee Puntland. Maxamed Cabdi Xaashi oo
ka ambabaxay Puntland markay maradii ka dhacday ina-yeey, ayaa sida
wararku sheegayaan cadaads kaga yimid Cabdi Cali shire, Siciid Caduur
iyo Careys siduu u iman lahaa Bosaaso. Kooxdan oo aad isugu xiran
ayaa la rumeysan yahay inay ahaayeen kuwii ka dambeeyey afgambigii
kolkii hore ku dhacay Col. Cabdullaahi Yuusuf, hase yeeshee uu ka
dhicisoobay markuu Jaamac Cali Jaamac oo aan la fileyn ka soo dagay
Bosaaso, cadeyeyna inuu is-sharxo. Kooxdan waxay doonayeen in si
aan la garan karin ay kaga takhalusaan ina-Yeey, cadeystaana bareerahooda
markay dalka ka saaraan. Markii uu qorshahoodii ka xumaaday ayaa
waxay dani ku qasabtay inay taageeraan, hase yeeshee ina-Yeey wuu
ka warqabaa falkoodaas waana arrinta ku kaliftay inuu u ololeeyo
noqoshada jagada Madaweyne ku-xigeenka Ina-xaabsade.
|